...
Sådan søger du asyl i Danmark

Sidan ayaad uga codsan kartaa qaxooti Danmark

Qormadan waxaa laguugu soo bandhigayaa, sida aad qaxooti ooga codsan kartid Danmark. Waxaan halka kuugu sharaxaynaa 5 ta jaranjaro oo loo maro codsiga qaxootiga:

Jaranjaradda 1aad: in aad shaqsiyan ugu tagtid dawladda denishka

Arrinta ugu horaysa, ee codsiga waxay tahay, in aad u tagto dawladda deenishka, waxaad u samayn karta labo siyaabood:

  • In aad si shaqsi ah, ugu tagto xarun boolis oo u taal wadanka Danmark
  • In aad si shaqsi ah, u tagtid xarunta qaxootiga ee Sandholm

Booliska ayaa ku diwaan galin, kaana qaadi sawir wajiga ah iyo faro. Kadib waxaa lagu dajin xarun xatiga loogu tala galay, waxaana kuu bilaaban qiimaynta qaxootiga oo ay samaynayaan hay´adda qaxootiga.

Jaranjaradda 2aad: buuxinta foomka codsiga qaxootinimadda

Marka aad booliska aad tagtid kadib, waxaad buuxinaysaa foomka codsashadda qaxootinimadda. Foomka waxay ula jeedadiisu tahay in la qeexo sababta aad qaxootiga u codsanayso. Foomku way fududahay buuxintiisa, laakin waa muhiim in si qotadheer aad u qeexdo, sababta aad u codsanayso qaxootiga. Haddii aad gadaal ka sheegto, hadal aadan ku sheegin foomka, wuxuu wax yeeleen karaa kiiskaaga. Sidaa darteed, waxaa aad muhiim u ah in aad, si sax ah u xasuusnaatid, wixii aad foomka ku qortay, lagaana waydiin karo wax mudo kadib, haddii loo baahdo faahfaahin dheeraad ah.

Jaranjaradda 3aad: ka qaygalka waraysiga iyo sababta aad qaxootiga u codsatay

Marak aad buuxisid foomka codsiga qaxootiga, waa in aad ka qayb gashaa waraysi ku saabsan, sababta aad u codsatay qaxootiga, oo la yiraahdo ”warbixinta sababta aad qaxootiga u dalbatay” waraysigan waxay ula jeedadiisu tahay, in la ogaado waxa sababay in aad qaxooti codsatid, iyo in la ogaado qofka aad tahay, meesha aad soo martay ilaa aad ka imaanaysay Danmark ilaa wadankaagii. Waa muhiim in wixii aad foomka ku qortay iyo waxa aad sheegeeyo ay isku mid yihiin.

Waxaa xassusin mudan, muhiimadda ay leedahay in aad ku ekaato waxa foomka ku qoran, aadna ku daran waxyaabo ka baxsan inta ku qoran foomka, taas oo keeni karta in lagu aamini waayo. Haddii laga shakiyo warka aad sheegtay in uu run yahay iyo in kale, waxay adkaynaysaa in aad sharci heshid.

Jarajaradda 4aad: go´aan ka qaadashadda in codsigaaga uu ka dhacayo Danmark ama wadan kale

Ayada oo la tixraacayo warbixintii aad ku qortay foomkii aad buuxisay, ayaa waxay hay´adda qaxootiga ay go´aansansysaa in aad Danmark qaxooti ka codsan kartid, ama wadan kale oo aad soo martay inta aad safarka ku soo jirtay aad qaxootinimadda ka codsanaysid.

Arinta oo loo tixraacayo sharciga “Dublinforordning” oo ka ay Danmark wax ka saxiixday.

Sharciga Dublin-forordningen, sharciyo kala duwan oo qeexayo sida shuruucda codsashadda qaxootiga wadamada middowga Yurup. Shuruucdaa waxay muhiimadda saarayaan sida qofkii qaxooti ka codsada wadan ka mid ah middowga Yurub loola macaamili lahaa iyo cidda ka qabanayso arjiga codsiga qaxootiga. Waxaana loo kala tix galin sidan soo socota:

  1. Wadanka aad ku leedahay qaraabo
  2.  Wadanka aad ka heshay sharci ama dal ku gal (visa)
  3. Wadanka aad ka soo dhacday markii aad sharci la ´aan ku soo gashay middowga Yurub
  4. Wadankii ugu horeeyay ee aad iska dhiibtay.

Sida caadiga ah, waxaad ogaanaysaa wadanka codsigaaga qabanayo, marka lagu waraysto. Waxaa ayna dhici karta in gadaal lagaaga soo sheego in codsigaaga Danmark uu ka dhacayo iyo in wadan kale lagu celinayo.

Jarajaradda 5aad: haddii codsigaaga qaxootiga uu ka dhacayo Danmark

Marka la ogalaado in aad qaxooti ka codsan karto Danmark, ayaa waxaa go´aan ka qaadan in sharci aad hesho iyo in kale hay´adda qaxootiga.

Sida caadiga ah hay´addu waxay go´aanka qaadanaysaa waraysigaaga kadib, balse haddii uu kiisku adagyahay, waxaa dhacda in waraysi kale lagula yeedhu, haddii loo baahdo warbixin dheeraad ah oo la xiriirta codsigaaga. Waa in aad wixii horay aad u sheegtay ku soo celisaa oo aadan kala hadlin, si aad u noqoto qof la aamini karo.

Hay´adda qaxootiga ayaa go´aan ka gaari in aad sharci heshid iyo in kale, iyada oo tixraacaysa warbixintaadii iyo marxalladda wadankaagu ku suganyahay.

Waan kaa caawin karnaa kiiskaaga

Waxaa aad muhiim u ah in aad dulqaad yeelatid, waayo kiiskaagu wuxuu qaadan karaa muddo aad u dheer.

Waxa laga yaaba in aad wareerto, khaas ahaan, haddii sharciga laguu diido, aadna fahmi waydo hab socodka kiiskaaga.

Anaga ayaa ku caawin karno, haddii sharciga laguu diido. Caawimaadeena waxay kuu sahli in aad ogaato in diidmadda sharciga ay si sax ah u dhacday iyo in kale, iyo in aad jawaab deg deg ah ka heshid dacwadaada.

Waxaa inoo shaqeeya qareemo ku takhasusay shuruucda qaxootiga kuwaa oo diyaar u ah in ay ku caawiyaan haddii sharciga laguu diido ama lagaala noqdo. Dad badan ayaa u soo celinay sharcigii lagala noqday ama sharci u soo dhicinay diidmadii 1aad kadib, waxaana diyaar u nahay in aan ku caawino.

Naga soo wac telefoonka 72 14 11 15 ama soo buuxi foomka- inaga ayaa kula soo xiriirayno sida oogu dhaqsaha badan.

No Comments

Sorry, the comment form is closed at this time.